Taariikhdii sayid maxamed

 XUSEENOW CAQLIGU KAAMA BAXO (Afbakayle)

 

 Dagaallo badan baa Ingiriiska iyo Daraawiishta dhex maray. Ingiriiska wuxuu doonayay inaan dhaqdhaqaaqa Daraawiisheed dhulka ku fidin, Daraawiishina waxay doonaysay inaan Ingiriisku dhulka ku xididaysan. Labada dhinacba si daran baa dagaalkii loogu hoobtay. Dadkiina wuxuu u kala miirmay: Nin Ingiriiska la jira oo moodaya inuu dan u yahay, iyo nin Darwiish noqday oo jihaad u guntaday iyo nin duunyadiisa dhaqanaya oo aan duniba bar ka ogayn. Arrintii oo sidaas ah ayaa Ingiriisku niman Soomaali ah Sayidka ergo ugu diray. Nimankaasi ujeeddadoodu waxay ahayd inay Sayidka kula doodaan inay yihiin dad Islaam ah oo dadkooda in la laayo iyo duunyadooda in la dhacana aanay bannaanayn. Isagana waxay la ahayd, mar hadday aqdaaamo ferenji yihiin, inaanay diintu nabad gelinayn, markaa Sayidku isagoo ka warramaaya dhibihii loo geystay, tilmaamayana goobihii laysku helay, caddaynayana doodda nimankaasu u keeneen wuxuu ka qabo, ayuu gabaygaan tiriyey. Waxaanu ku tirshey Ayl ama Ilig 1905 sida lagu wado. 

 

 Xusenow caqligu kaama baxo, idam Ilaahaye 

 Ha laguu aqbalo duca san baan, kuu akhriyaaye 

 Ifkana waaya noo joog, nimaan aaminaad tahaye 

 Haddaad umaaddo waan kuu hubaa, ina uduu kheyre 

 Asaxaabihii baad u tegi, udugga weynaayee 

 Irdihii jannada inaad ka geli, waa ogsoonahaye 

 Hawl kalana waa erey yaraan, kuu erganayaaye 

 Alla igama qaadoew adaan, kala illaawayne 

 Eedaanka maqal waa salaad, loo addimayaaye 

 Ilaahi abuurba kuwii diiday, amarkiisa 

 Ambiyaalihii iyo kuwii, awliyada caayay 

 Asxaabti dariiqada kuwii, awlaxa u qaaday 

 Ikhyaarkooda nimankii kufriga, uga adeegaayey 

 Aan lagu igraahine kalgacal, ugu abraaraayey 

 Kuwii ubad nasaaraad noqdee, ferenji aanaysatay 

 Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey 

 Oo Aw-Cabbaas2 diley, dadkaan eedi kala gaarin 

 Oo uunka kala fiijiyee, kala irdheysiiyey 

 Nimankii amxaara u kacee, Adarinuu guurey 

 Oo Mililikh3 aabbe u yehee, u arrin qaadaayo 

 Oo xabashi eegi u noqdee, u ololaynaayey 

 Ingiriiska nimankii wadee, nagu aseebaayey 

 Afbakayle4 nimankii wadee, nagu aseebaayey 

 Ee Oodagooyiyo5 na dhigay, aydii Daratoole6 

 Nimankii ikhwaankii jaree, aabiga u laayey 

 Ragga ehelukheyrkaa warmaha, kala ajoon waayey 

 Oo umal daraaddiis girliga, ugu afuufaayey 

 Idilkoodba nimankii dagaal, iigu imaanaayey 

 Nimankaan inkaaree madfaca, ololi ii haysatey 

 Ee ubaxcaddaydii hartiga, oofta kaga joojay 

 Nimankii iniinaha ka dhigay, Ilig7 wixii joogay 

 Ee Eerago8 iyo Batalo9, igu uquumeeyey 

 Ee omoska Beerdhiga10 tukaha, igu ormaysiiyey 

 Nimankii ayaantii Gumburo11, oboda ii dhiibay 

 Ardaashii Jidbaalle12 i heshee, igu unuun goysay 

 Nimankii uluuf iyo uluuf, igu agoomeeyey 

 Nimankii adduunkeygii dhacay, ariyo geeliiba 

 Anigoo islaamaba kuwii, ii arxami waayay 

 Nimankaan Ilaahoow lahaa, eyda iga doono 

 Abaalkayga nimankii ba’shee, ii istixayn waayey 

 Ahabtiyo ergeyntii kuwii, lagala ayn waayey 

 Nimankii ijaabada ka tagay, aakhiru sabanka 

 Nimankii iblays nagu diray, naga ajoon waayey 

 Nimankii arlada Eebbahay, naga ugaareeyey 

 Nimankii awaaraha buska leh, nagu eryoonaayay 

 Ninkii abaartii caleed, Bari na aadsiiyay 

 Argalkiyo rasaastii kuwii, nagu igbaaraayay 

 Ee urugadaan qabiyo ciil, igu abaadsiiyey 

 Nimankii ilmada iga qubee, oohin iga keenay 

 Nimankaan ku alaladay markii, uunku wada jiifay 

 Nimankii ujuurada cunee, iibkii ii bixiyey 

 Nimankii intaas nagu falaan, na asaraareynin 

 Waxba yey addoomaha Ilaah, nooga aargudine 

 Waxba yaan adduun layga siin, ilintidaydiiyee 

 Utuntayda waa heli haddaan, iilka lay dhigine 

 Araraha intaan marahayey, igu arkaayaane 

 Maruun baan sidii aar libaax, oodda soo jebinne 

 Ashtakooda’aa iyo warqado, ku andacoodaaba 

 Mar haddaan shareecadu aqoon, nimanka liddoora 

 Ashahaadadoodiyo ma rabo, ina wallayntooda 

 Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeyneynin 

 Amaan aniga la i oran karayn, tanu ahaan mayso 

 Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubaysta.

Comments

Popular posts from this blog

Gabay